top menu

Qaaxada Qarsoon – khatar qarsoodi ah

Qaaxada (TB) waa cudur halis ah oo saameyn ku yeelan kara qof kasta. Waxaa sababa bakteeriyada qaaxada, kaasoo dadka kale ku faafa markii qof qaaxo ku qaba sanbabbadooda hadlo, qufaco ama hindhiso.

Haddii aad neefsato bakteeriyada qaaxada, hal ka mid ah saddex waxyaalood ayaa dhici doona:

  • Jirkaagu wuxuu dili doonaa bakteeriyada ka hor inta aanay waxyeelo keenin
  • bakteeriyada qaaxada ayaad ku jirraneysa - tan waxaa loo yaqaan 'Qaaxada Firfircoon '
  • bakteeriyada qaaxada ayaad jirka ku sidi kartaa laakiin kuma jirran doontid - tan waxaa loo yaqaan 'Qaaxada Qarsoon'.

Qaaxada Firfircoon:

Haddii aad qabtid qaaxada firfircoon, waxaad dareemi doontaa xanuun aad u daran waxaana qaaxada u gudbin kartaa dadka kale. Calaamadaha caadiga ah waxaa ka mid ah qufac, xummad, dhidid habeenkii, miisaan lumis, gaajo la'aan iyo daal. Qaaxada firfircoon waxaa lagu daaweyn karaa antibiyootiko.

Qaaxada Qarsoon:

Haddii aad qabtid qaaxada qarsoon, ma lahaan doontid astaamaha cudurka iyo qaaxada uma gudbin kartid dadka kale. Sababta waxaa weeye bakteeriyada qaaxada 'wuxuu dhax hurdaa' jirkaaga, waxaana xakameeyo nidaamka difaaca jirkaaga. Si kastaba ha noqotee, bakteeriyada waxaa laga yaabaa inay soo 'kacaan' waqti kasta, iyo jirrada kugu bilaabaayo.  Kani waxay u badan tahay haddii nidaamka difaaca jirkaagu uu ku jiro cadaadis. Daaweynta Antibiyootikada ayaa kaani joojin karaa.

Miyaan ku jiraa halis inaan qaado cudurka qaaxada?

Waxaa laga yaabaa inaad halis ugu jirto qaaxada haddii aad:

  • xiriir la leedahay waddan si caadi ah laga helo cudurka qaaxada
  • taqaano qof qaba, ama lahaan jirey cudurka qaaxada
  • haysato xaalad caafimaad ama qaab-nololeed daciifiya nidaamka difaaca jirkaaga
  • ku nooshahay guri buux-dhaaf ah ama leh haawo siin liita
  • ka shaqeyso goob caafimaad ama xannaano bulsheed

Miyaad dalka Ingiriiska soo degtay 5tii sano ee la soo dhaafay?

Haddii aad dalka Ingiriiska soo degtay 5-tii sano ee ugu dambeysay, iyo ka timid dal qaaxada ku badan yahay, waxaad heli kartaa martiqaadka baaritaanka iyo daaweynta qaaxada qarsoon. Baaritaankaan wuu ka duwan yahay baaritaan kasta oo laga yaabo in lagugu sameeyey iyo qayb ka ahaa hab-socodka dalbashada fiisada.

Waa fikrad wanaagsan in la aqbalo martiqaadkan, si loo ilaaliyo caafimaadkaaga mustaqbalka.

Miyaad ogeed?

Daaweyn la'aan, waxaa jira 1 ilaa 10 fursad in qaaxada qarsooni ay isku beddesho qaaxo firfircoon noloshaada.

Waxaa kugu dhici karo cudurka qaaxada xittaa haddii lagugu sameeyey tallaalka BCG - tallaaka BCG ma ahan mid 100% waxtar leh.

Raajada feedhaha ee qaaxada waxaa lagu ogaan karaa kaliya qaaxada firfircoon ee sanbabbada - waxaad weli ahaan kartaa qof sida qaaxada qarsoon.

Ku saabsan ogaanshada cudurka qaaxada

Haddii aad leedahay calaamadaha qaaxada ama aad ka walaacsan tahay qaaxada qarsoon, wac rugta GP'gaaga si aad ballan u sameyso. Haddii aadan haysan GP, ​​waxaad ogaan kartaa wax  ka badan adigoo isku diiwaangelinaayo  www.nhs.uk. Adeegyada GP'ga waxay u furan yihiin qof kasta oo ku nool Ingiriiska.

Ballantaada, takhtarku wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo si uu u fahmo halista aad ku jirtid qaaxada iyo si ay u ogaadaan haddii aad qabtid calaamadaha qaaxada firfircoon. Takhtarku wuxuu markaas kugu talin karaa mid ka mid ah saddexda baaritaanyo:

Baaritaanka maqaarka ee qaaxada ama baaritaanka dhiigga - labadan nooc ee baaritaan waxaa lagu eegaa haddii aad weligaa xiriir la yeelatey bakteeriyada qaaxada.

Raajda feedhaha - waxaa kani lagu ogaadaa calaamadaha qaaxada firfircoon ee sanbabbada.

Haddii natiijo laga helo mid ka mid ah baaritaanyadaan, waxaa lagu siin doonaa baaritaano dheeri ah iyo daaweyn ku habboon adoo raacaya daryeelka takhaatiirta ku takhasuusan qaaxada.

Ku saabsan daaweynta qaaxada

Qaaxada firfircoon: daaweynta qaaxada firfircoon waxay qaadataa ugu yaraan lix bilood waxayna badanaa ku lug leedahay afar antibiyootiko.

Qaaxada Qarsoon: daaweynta qaaxada qarsoon inta badan waa gaaban yahay, waxaana lagu siin doonaa antibiyootiko ka yar markii loo bar-bardhigo daawada qaaxada firfircoon.

Daawoyinka qaaxada waxay keeni karaan waxyeello, sida daawooyinka oo idil, laakiin la taliyahaaga qaaxada ama kalkaaliyaha caafimaad ayaa kugu taageeri doono.

Verified by MonsterInsights